U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Iskutashi Dadweyne Ku Dhisaysa Qaar Kamid ah Xarumaha Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay dhismooyin cusub oo ay yeelan doonaan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Hay’adaha Isgaarsiinta Qaranka, Dhowrista Xogta iyo Tayo-dhowrka.

Xarumahan oo dhamaantood lagu dhisayo isku-tashi dadwayne, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda.

Dhismayaashaan ayaa laga dhisaya waddada Jayga ee u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dhismayaashani ay qeyb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ugu jirto dib-u-dhiska xarumaha dowladda, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa laba sano ee lasoo dhaafay waday dadaallo ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa adeegyada bulshada ee muhiimka ah xarumaha lagu qabto.

Soomaaliya xarumaha dowladda ayaa ku burburay dagaalladii Sokeeye ee dalka ka dhacay sanadkii 1991.

Dowladdihii kala dambeeyay ee dalka soo maray ayaa qaarkood dib u dhisay halka kuwo kalena wali ay burbursan yihiin.