U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Waqtiga Rasmiga ah ee ay Ciidanka ATMIS Dalka Ka Baxayaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga kama dambaysta ah ee ay ciidamada midowga Afrika ee loo yaqaanno ATMIS dalka ka baxayaan, asagoo lagu badeli doono howl-gal kale oo ay ciidan shisheeye oo tiro yari goobaha qaar ee muhiimka ah ku sii joogi doonaan.

Codsi arrintaas oo saabsan oo ay dowladdu horey u gudbisay ayaa waxaa si aqlabiyad leh u oggolaaday golaha ammaanka ee midowga Afrika, ayagoo sheegay inay si buuxda u aqbaleen dalabka Soomaaliya ee la xariira bixitaanka ciidamadan ku dhowaad 20-ka sano ku sugnaa dalka.

Danjiraha Soomaaliya ee midowga Afrika Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa sheegay in la gaaray xilligii ay ciidamada ATMIS dalka ka bixi lahaayeen, islamarkaana Soomaaliya ay nabad-galyadeeda ku filantahay, asagoo xusay xilliga askariga ugu dambeeya ee ciidankaasi uu bixi doono.

Danjiraha ayaa tibaaxay in bisha December ee sanadkan 2024 ay ciidanka ATMIS gabi ahaantooda dalka ka bixi doonaan, asagoo intaa ku daray in askar tiro yar oo Midowga Afrika hoos tagaahi at goobaha qaar sii joogi doonaan in la soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay sii xoogaysanayso saameynteeda dublamaasiyadeed, nabad-galyaduna ay soo hagaagayso.