U bood dhigaalka

Galmudug oo Bilaabaysa iney Tilaabo Ka Qaado Dadka Jara Dhirta si loo Badbaadiyo Deegaanka

Maamulka Galmudug ayaa bilaabay in uu tilaabo ka qaado dadka sida sharci daro ah dhuxusha uga shida dhirta deegaanada gobolka Mudug ka dib markii dhawaan wareegto kasoo baxday lagu mamnuucay.

Gudoomiyaha deegaanka Dowgaab ee gobolka Mudug Maxamed Axmed Sheekh Cusmaan iyo laamaha amniga deegaanka ayaa gubay qoryo si sharci daro ah looga soo guray deegaanka oo horay looga joojiyay.

Maamulka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay kooxdii jartay dhirta la gubay, waxaana dhawaan la horkeeni doonnaa sharciga.

Deegaanka dowgaab ayaa waxaa mamnuuc ka ah jarista dhirta iyo Xaalufka degaanka iyadoo Gaadiidleyda looga digay inay qoryo ama dhuxul ka sameeyaan Degaanka, ciddii lagu arkana tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono

Maamulka gobolka Mudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo looga hortagayo xaalufka deegaanka, iyadoo gacanta lagu dhigay dad badan oo dhuxul ka sameeyay dhirta markii ay jaraan.