U bood dhigaalka

Dhacdo Murugo Badan: Macalin Dugsi Qur’aan iyo Xaaskiisa oo Lagu Dilay Galgaduud

Koox hubeysan ayaa xalay dil ugu geystay deegaanka Bulacle oo Dhuusamareeb hoostaga, Macalin dugsi Qur,aan iyo xaaskiisa.

Wararka ayaa tibaaxaya in Macalinka la dilay iyo xaaskiisa ayaa dhawaan aqal galay oo ay ahaayeen qoys cusub.

Dilkaan ayaa lala xiriiriyay aano qabiil. horay deegaankaan waxaa uga dhacay dilal loo geystay dad bulshada muhiim u ahaa.

Sida ay Goobjoognews u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Dhuusamareeb kooxdii dilka geystay ayaa si nabad ah goobta uga tagay.

Dilkaan ayaa bulshada deegaanka ku abuuray qalqal amni, waxaa uu kusoo aaday xilli gogol nabadeed oo laba beellood lagu dhex dhexaadinaayo taallo magaalada Dhuusamareeb.

Ma jiraan dadaallo socda oo lagu soo qabanaayo kooxda dilka geysatay maadaama deegaankaasi uusan ka howlgalin booliska Galmudug. sidoo kalena dadka deegaanka ay hubeysan yihiin.

Gobolka Galgaduud ayaa billihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal iyo iska hor imaadyo ay ku dhinteen dad badan kuwaasoo dhammaantood la xariira aano qabiil.