U bood dhigaalka

Dowladda Sucuudiga oo Shaacisay Tirada Xujeyda Sanadkaan Ku Dhimatay Gudashada Waajibaadka Xajka

Dowladda Sucuudiga wasaaraddeeda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday tiradadadka sanadkaan 2024 ku geeriyooday Xajka, xilli sanadkaan Maka uu ka jiray Kuleel saa’id ah marka loo eego sanadkii 2023 xilliga Xagaaga, dhimashada ayaa dhaaftay 1,000 ruux.

Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay ilaa (1,301) qof ay ku dhinteen xajka sanadkaan ee Sacuudi Carabiya ,kadib markii la sheegay in badi dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwo aan heysan fasax,isla markaana masaafo dheer ku socday kulayl daran.

wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in heerka kulka xajka ee sanadkaan uu gaaray 50C (122F) ,iyadoo qaar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen kuwo da’ ah oo xanuunsan waxaana inta badan ku dhagay naqaska oo dhimasho sababtay.

Wasiirka caafimaadka iyo arrimaha bulshada dowladda Sucuudiga Fahad Al-Jalaajel ayaa sheegay in lagu dadaalay sidii dadka looga wacyi galin lahaa qatarta kulaylka ,waxaana xarumaha caafimaadka ay sheegeen in ay daweeyeen ku dhawaad nus malyuun xujey ah.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ugu duceeyay dadkii ku geeriyooday Xajka “Alle ha u dambi dhaafo, hana u naxariisto marxuumiintaasi, waxaanna tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen,” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlay arrinta ku saabsan geerida xujeyda.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa dublamaasi Carab ah ayaa sheegtay in 658 Masaari ah ay dhinteen. Indonesia ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo muwaadiniinteeda ah ay naftooda ku waayeen, halka Hindiya ay sheegtay in ay dhinteen 98 qof.

Pakistan, Malaysia, Jordan, Iran, Senegal, Sudan iyo ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in dad ay ka dhinteen, xilli Soomaaliya dadka sanadkaan ka dhintay ay gaarayaan 6 ruux, inta lagu guda jiray gudashada waajibaadka xajka 1445 sanadkaan.

Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly, ayaa Sabtidii shatiyadii ka xayuubiyay 16 shirkadood oo kuwa dalxiiska ah, wuxuuna maareeyayaashooda u gudbiyay maxkamad, waxaana lagu soo oogay in ay dayaceen badqabka ilaalada Xujeyda reer Masar ee sanadkaan tagay.

Jimcihii madaxda Dalka Jordan ayaa sheegay in ay xireen dhowr wakiil, kuwaas oo la tilmaamay in ay fududeeyeen socdaalka xujeyda Muslimiinta ah ee ku socday Maka, maadaama ay jireen kuleel daran majirin digniino ay siiyeen marka laga reebo tan ka timid Sucuudiga.

Dhanka kale madaxweynaha Dalka Tunisia Kais Saied ayaa la sheegay un uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Diinta ee dalkaasi, sababo la xiriira geerida in in ka badan 200 oo dalkaas u dhalatay taas oo aan mas’uul uu ka ahaa wasiirka oo gabay shaqadii uu dowladda u hayay.

Qiyaastii 1.8 milyan oo qof ayaa ka qayb qaatay xajka sanadkan 2024 kuna beegan 1445 Hijriya, xilli la warinayo in sanadkaan uu ahaa sanadkii ugu dhimashada badanaa muddo, waxaana loo aaneynayaa kulka saa’idka ah ee ka jiray Xajka marka la eego sida ay wararku ay tibaaxayaan.