U bood dhigaalka

Shirka Sameynta Guddi Howleedka Isku-dubaridka Dambiyada Duurjoogta Soomaaliya oo Muqdisho Lagu Qabtay

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JFS Mudane ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ayaa daahfuray Kulan ku saabsan Aqoon isweydaarsi iyo sameynta Guddi Hawleedka Isku-dubbaridka Dambiyada laxariira Duurjoogta iyo guud ahaan deegaanka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JFS.

Kulankan ayaa Hadafkiisu ahaa in laga doodo ka ganacsiga sharcidarada ah ee ka dhanka ah Duurjoogta islamakaana looga wada shaqayn lahaa ka hortaga dambiyada, sidoo kalana u wada shaqeen lahaayeen hayโ€™adaha ay quseyso arintaani iyada oo la wadaagayo macluumaadka, samaynta hawlgalada tahriibinta sharci darada ah ee duurjoogta ku nool bad iyo beri iyo dedejinta dacwadaha loogu talagalay la dagaalanka dambiyada duurjoogta ah ee Soomaaliya.

Gabagabadii Kulankan oo uu soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilad Mudane ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ๐˜๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ayaa laysku waafaqy dhaqan galinta Gudiga qaran oo ka shaqeeya Isku-dubbaridka Dembiyada Duur-joogta oo ka kooban heyโ€™adaha kala duwan ee dowlada ee heer qaran iyo heer Dowlad goboleed si loo bad baadiyo kheyraadka dabiiciga ah oo ay Duur joogtu kamid tahay.