U bood dhigaalka

Guddiga Qabanqaabada Todobaadka Xoriyadda oo Muqdisho Ku Shiray iyo U jeedka Kulanka

Quddiga Qaran ee Qabanqaabada Dabaaldagayada Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo Kulan ku Yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa ka wadahadlay dardargelinta arrimaha horyaallo guddiga iyo sidii loo qaban lahaa howlaha todobaadka barri bilaabanaya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa Guddoomiyay Kulanka Guddiga oo ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen xubnaha guddiga ee wasiirrada ah, hey’adaha amniga iyo gobolka Banaadir ayaa lagu meeldhigay qabanqaabada, bandhigyada iyo guud ahaan howlaha xuska maalmaha qaran ee Xoriyadd