U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Maanta Ubax Dhigay Taallada Dhagaxtuur Munaasabadda 26-ka June Awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah Halgameyaashaasi, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga miradhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Taallooyinka dhagax tuur, SYL, Axmed gurey, Sayidka, Xaawo taako, iyo daljirka dahsoon ayaa dhammaantood u taagan halgamayaal Soomaaliyeed oo naftooda u huray calanka, madax-bannaanida, iyo ciidda dalka, waxaana lagama maarmaan ah in la xasuusto oo loo duceeyo.