U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo Weerar Ku Qaaday Fariisin ay Leeyihiin Shabaab

Ciidanka xoogga dalka ayaa saakay weerar ku qaaday deegaanka Baraag Sheekh Cabdullahi, oo u dhaxeeysa Ceeldheer iyo Cowswayne. Deegaankaan 36 KM u jira Ceeldheer ayaa waxaa joogay kooxda Al Shabaab.

Weerar oo ku bilowday toogasho gaadmo ah oo XDS ay sameeynayeen ayaa isku badalay dagaal toos ah waxaana Shabaab looga dilay ilaa 7 Xubnood.

Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in ay soo furteen ilaa Saddex qori iyo agab kale oo heysteen Kooxda.

Shabaab ayaa deegaanka laga saaray. waxaa hadda joogga Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka wadda howlgallo.

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah Kooxda Shabaab ee ka socda Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.