U bood dhigaalka

Puntland iyo Galmudug oo War Kasoo Saaray Dagaallada Galbeedka Mudug

Maamulka Galmudug ayaa ku baaqay nabad iyo in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda Galbeedka Gobolka Mudug.

Maamulka Galmudug waxey dhinaceeda u dirtay deegaannada dirirtu ka socoto guddi ka kooban wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiinta gobolka Mudug.

Waxa ay ka codsatay in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta, sidoo kalana lagu tixgaliyo shaqadooda ciidammada ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalku ka dhacday.

Dhanka kalena Ku Simaha Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland ahna Madaxwayne ku xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Ayaa baaq nabadeed udiray beello ku dagaalamaya galbeedka gobalka Mudug.

Waxaa uu sheegay in ay ciidamo u direen goobta si looga kala dhex galo beellaha dagaalamaya.