U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare ee Kenya oo Amar Adag Duldhigtay Ciidanka Rabshadaha Ka Hortaga

Xilli ay dalka kenya weli ka socdan dibadbaxyo waaweyn oo ka dhan ah sharci muran badan dhaliyay oo ay dhowaan dowladdu soo saartay, islamarkaana tirada dhimashada bannaanbaxyadaasi sababeeni ay gaartay ku dhawaad 30 qof ayay maxkamadda sare ee dalku arrintaas go’aan adag ka soo saartay.

maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada nabadgalyada in ay joojiyaan rasaasta tooska ah ee nool nool, midda macmalka ee ka samaysan caagga, sunta dadka ka ilmaysiisa ee loo adeegsado dibadbaxayaasha caraysan.
Waxaa ay sidoo kale ku amartay booliska in ay ka fogaadaan dilka sharciga ka baxsan, afduubka, iyo jirdilka” ee ka dhanka ah mudaharaadayaasha cashuur-diidka ah.

xukunka madaxkamadda ayaa salka ky haya codsi ay gudbiyeen qareenno iyo kooxaha xuquuqul insaanka oo lagu dalbanayay in la joojiyo adeegsiga hubka wax dila ee ay booliisku u adeegsadaan dibadbaxayaasha.

Demas Kiprono, oo ah ku-simaha agaasimaha fulinta ee guddiga caalamiga ah ee sharciga Kenya, ayaa u sheegay warbaahinta in tallaabada ay maxkamadda sare ku mamnuucday adeegsiga rasaasta ay tahay mid looga hortagayo qaladaadka booliiska.

Booliiska kenya ayaa lagu eedeeyay inay rasaas nool nool u adeegsadeen dibadbaxayaasha, taas oo sababtay geerida dad badan oo ka bannaanbaxayay inta badan gobollada dalkan dhibaatada dhaqaale la dhaalaadhacaya ee ku yaalla bariga Afrika.