U bood dhigaalka

Wasiirro Xabsiga Loogu Taxaabay Sixir ay Ku Sameeyeen Madaxweynaha Wadankaasi

Booliska Maldives ayaa xiray wasiiru dowlaha deegaanka, isbedelka cimilada, iyo tamarta dalkaas Fathimath Shamnaz Ali Saleem, iyadoo warbaahinta qaranka ay warisay in loo haysto eedeymo la xariira sixir nooca madow ah u adeegsaday madaxweyne Maxamed Muizzu.

Saleem ayaa laga soo qabtay magaalada caasimadda ah ee Male, isaga iyo laba kale, sida ay booliisku u sheegeen warbaahinta gudaha ee jasiiradan islaamiga ah ee dhaca koofurta qaaradda Aasiya.

Masuuliyiintan oo ay baaritaanno kala duwani ku socdaan ayaanay saraakiishu faahfaahin dheeraad ah ah ka bixin xariggooda, iyo qaabka ay madaxweynaha u sixreen.

Warbaahinta maxalliga ah The Sun ayaa’se sheegtay inay jiraan warar sheegaya in Shamnaz loo xiray sixir madow oo uu ku sameeyay madaxweyne Maxamed Muizzu, Inkasta oo sixirku aanu ahayn fal-dambiyeed ka dhacay Maldives, haddana waxa ay keeni kartaa in lagu xukumo lix bilood oo xadhig ah marka loo eego shareecada Islaamka.