U bood dhigaalka

In Ka Badan 50 Diblomaasiyiin ah oo Kenya Ku Saxiixay Buuga Tacsi Prof. Jawaari

Diblomaasiyiin aad u badan ayaa saxiixay buuga tacsida ee Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xaflad xusuus iyo tacsida ah ayaa lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, dalka Kenya, halkaasoo diblomaasiyiin, xildhibaanada labada aqal ee JFS, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, iyo wakiillo ka socda dowladaha kala duwan ay ka soo qayb galeen.

Munaasabaddan ayaa ahayd fursad muhiim ah oo lagu muujinayo tixgelin iyo qaddarin loo hayo nolosha iyo shaqadii Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, oo muddo dheer ka soo shaqeeyay siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in Prof. Jawaari uu door weyn ka ciyaaray dhisidda nidaamka demoqraadiyadda iyo xoojinta hay’adaha sharci dejinta dalka, isagoo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka muddo dheer.

Diblomaasiyiinta saxiixay buugga tacsida ayaa ka mid ahaa saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana ay muujiyeen taageeradooda iyo tacsiyadooda iyagoo u tacsiyaynaya qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabaddan ayaa sidoo kale ahayd mid lagu muujinayo xiriirka adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo xafladdu ay ka tarjumaysay xiriir dhow oo labada dal dhex mara.

Waxaa la xusay in Prof. Jawaari uu ahaa shaqsi hagar la’aan u hibeeyay horumarinta Soomaaliya, isla markaana ay joogtaysay xiriir wanaagsan oo uu la lahaa safaaradaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee gobolka.