Shir Ku Saabsan Xasilinta Deegaannada iyo Soo Kabashada oo Dhuusamareeb Lagu Soo Gabagabeeyay
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray Shirka Madasha Barnaamijka Xasilinta & Soo kabashada oo diiradda lagu saarayay deegaannada laga saaray kooxda.
Shirkan oo Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-U heshiinta Dowladda Galmudug, ayuu madaxweynuhu kaga mahadceliyay taabba gelinta shirkan.
Madaxweynaha ayaa si kooban u qiray horumarka iyo howlaha hortabinta leh ee ka socda dhammaan deegaannada la xasiliyay ee kol hore laga xoreeyay Al-shabaab, isagoo sheegay in dagaalka ka dhanka ah ee lagu xoreynayo deegaanada Galmudug dib loo bilaabayo.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xubnaha Beesha Caalamka inay sare u qaadaan Kaalmada Barnaamijka horumarinta iyo Xasilinta Galmudug, asagoona uga mahadceliyay dhammaan howlaha laga hirgaliyay Galmudug.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa shirar doceedyo la yeeshay Saraakiil ka socotay Safaaradda UK iyo USAID.