U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Tababar Loogu Soo Xiray Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka Gaashaandhigga nudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Ibraahim Sheikh Muxudiin.diblumaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ka socday dowladda Turkiga, iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalin-jabinayeen saraakiil muddo tababar uga socda xerada Turksom.

Saraakiisha iyo macallimiinta Turkiga ee ciidanka tababarka siinayay ayaa sheegay in cutubka dharaartan qalin-jabiyay ay yihiin kuwo tayo iyo carbis wanaagsan leh oo kaalin mug leh ka qaadan doona nabad-galyada dalka, islamarkaana ay sii wadi doonaan layliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ayaa abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyay qaar kamida ah saraakiishii kaalimaha hore ka gashay tababarka, wuxuuna ku bogaadiyey dhabar adayga ay muujiyeen mudadii uu dhibowgu u socday.

Ciidanka uu Turkigu tababaro ayaa kamid ah kuwa ugu tayada iyo qalabka wanaagsan xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna kaalin weyn ku leeyihiin dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee dalka ka socda.