U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland oo Shabaab Kala Wareegay Deegaan Ka Tirsan Jubbada Hoose

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya ayaa galabta kooxda Alshabab kala wareegay deegaan istiraatiiji ah oo lagu magacaabo Filfile, kaas oo dhaca waqooyiga deegaanka Buulaxaaji ee gobolka Jubbada Hoose oo sina dhowaan laga saaray kooxda.

Saraakiisha ciidanka howlgalka sameeyey ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaankaas uu Alshabaab u ahaa meel ay xoolaha baadda ah uga qaadaan dadka shacabka ah, isla markaana ay ka gaysteen dhibaatooyin badan.

Sidoo kale Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baacsiga ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa si xoog leh uga socda deegaanada dowladda goboleedka Jubbaland, waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta sii xoojiyaan gulufka ka dhanka ah Alshabaab.