U bood dhigaalka

Shukaansiga Qiyaaliga ah Miyuu Caqabad Ku Noqon Karaa Dhismaha Nolusha Lamaanaha?

Markii laga hadlo dhismaha qoys wanaagsan oo isfaham iyo gacaltooyo ku naalooda waxaa jira waxyaabo badan oo gundhig u ah, kuwaas oo ay kamid tahay in labada qof ay wax walba heshiis ka yihiin, ama ugu yaraan isla meeli dhigaan aragti is qaddarintu udub-dhaxaad u atahay oo ay ku wada joogaan.

Runta oo laysku sheego iyo dhabta oo laga wada hadlo marka haasaawaha lagu jiro ayaa sidoo kale la rumaysanyahay inay yareyn karaan ismaandhaafka dambe ee nolosha lamaanenimo caqabadda ku noqan kara, haddii’se aan Kolka hore xaqiiqda laysla oggolaan waxaa dhallan karta xurguf waaritaanka qoyska halis ku noqata, sida ay qabaan xeeldheerayaasha arrimaha qoysku.

Raxma Maxamuud oo lagu garan ogyahay “Abwaanad Beello” ayaa Goobjoog uga warantahay waxyaabaha dhismaha qoyska aas-aaska u ah, ayadoo sheegtay in marka horeba halbeeg quman oo Kartika qofka ka turjumaya laysku doorto, balse aan la fiirin lacagta iyo dabaqadda nololeed uu qofku ku jiro.

Waxay sheegtay in haasaawihii hore uu ahaa dhab ka hadal ku qotoma yoolka ay labada qof nolosha ka leeyihiin, balse jeerkan uu noqday ku danaysi iyo maalin joog raadin aan mabda’ fog iyo mustaqbal odoros midna ku dhisnayn.

Si kasta ha ahaatee xeeldheereyaasha arrimaha qoyska ayaa qaba in burburka qoyska laga sii gaashaaman karo, haddii shukaansiga ama haasaawaha laga dhigo mid iyo isku xog waran dhab ah ku salaysan oo been iyo wax kala qarsi ka maran.