Dowladda Soomaaliya oo Adeegyada Aasaasiga ah Ka Hirgelinaysa Deegaannada Laga Saaray Al-shabaab
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adeegyada dowliga ah iyo kaabeyaasha aas-aasigaa ee nolosha bulshada ka hirgelinaysa deegaanada laga saaray kooxda Alshabaab ee gobolka Hiiraan, waxaana hadda tuulooyinka fog fog ee bariga Hiiraan laga heli karaa waxbarasho, caafimaad, biyo iyo adeegyo kale.
Wasaaraha caafimaadka iyo biyaha iyo tamarta heer federaal iyo heer dowlad gobolleed ayaa dib u soo celinta adeegyadan ku howlanna, waxaana dib loo furayaa xarumo oo caafimaad oo xirmay xilligii Alshabaab ay dhulkaas gacanta ku hayeen, sidoo kale l dayac tirayaa ceelal horay u duugmay sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Qorshaha lagu hirgelinayo adeegyada aas-aasiga ah ayaa muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, deegaan walba kooxda laga saarona in adeegyada dowliga ah degdeg loo gaarsiiyo ayay xeeldheereyaashu qabaan.