U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Howlgal Ka Fuliyay Qeybo Kamid ah Gobolka Bokool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay saldhigyadii Kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada kala ah, Baar, Ceeljeedow, Ceeltuumed iyo Sijo oo ka tirsan degmada Waajid ee Gobolka Bakool, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Howlgalka waxaa qeyb ka ahaa maamulka Degmada oo uu hoggaaminayay Guddomiye ku xigeenka Degmada Waajid iyo Taliyaha Nabad Sugidda Degmada, balse khasaare kooxda Alshabaab howlgalladaas lagu gaarsiisay weli dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed midkoodna faahfaahin kama bixin.

Deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kamida meelaha ay hawlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab sida xooggan uga socdaan, ayadoo madaxweyne Laftagareen dhowaan sheegay in loo baahanyahay in hiigsiga koobaad laga dhigto in la soo afjaro kooxda Alshabaab.