Ciidanka komaandooska danab, gaar ahan ururka 161-aad ayaa daaweyn iyo baaritaanno caafimaad u sameyeen qaar kamida dadka ku dhaqan deegaanka balidogle ee hoostagta degmada walanweyn ee gobolka shabeelaha hoose.
Dadka deegaanka balidogle ayaa dhankooda u mahadceliyay ciidanka koomaandooska danab gaar ahaan xafiiska arimaha bulshada ururka 161-aad, kuwaas oo caawimaad daawoyin ah ay u fidiyeen saraakil ka tirsan ciidanka kumaandoska danab.
Gaashaanle Ibrahim cali Cumar oo ka mid ah sarakiisha Guutada 161-aad ee Kumandooska Danab ayaa dhankiisa shacabka uga bishaareeyey in Danab ay mar walba garabkooda tahay, islamarkaana u adeegi doonto.




From the comments