U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo Ka Wadahadlay Arrimaha Qoxootiga

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali(Xoosh), Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir iyo sidoo kole Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Mohamed ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay wakiilka hey’adda Qaxootiga aduunka (UNHC) ee Soomaaliya mudane Charles Mballa.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar-galin lahaa taageerada Qaxootiga, Barakacyaasha iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoona gudoomiyaha hay’adda NCRI marwa Safiya ay xustay in dowladda Soomaaliya Mas’uuliyad gaar ah iska saartay garab istaagga dadka Nugul.

Kulanka ayaa sidoo kole looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Dedaallada xalka-waara loogu abuuraayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku nool dalka, kuwaas oo wajahaya xaalado kale duwan oo hoos la’aantu ay ugu horeyso iyo nolosha aasaasiga ah.