Dowladda Soomaaliya oo Wada Qorshe Lagu Taageerayo Hal Million oo Barakacayaal ah
Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in mashruuc ballaaran oo in ka badan hal malyan oo dadka barakacayaasha ah noloshooda lagu hormarinayo sida uu sheegay wasiirka Wasaaradda qorshaynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene.
Wasiirka ayaa tilmaamay inay ku howlanyihiin hannaan hormarineed oo la yiraahdo “barnaamijka xalka waara” , islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshe ballaaran oo 1 malyan oo barakece wax luugu qabanayo, noloshoodana lagu hagaajinayo.
Soomaaliya oo ku jirta ka soo kabashada colaado sokeeye oo muddo dheer socday, islamarkaana ay saameyn lixaad leh ku yeesheen abaaro daba dheeraaday, iyo fatahaado ayaa hadda ku howlan maareynta maalaayiin barakacayaal ah oo xeryo iyo aqallo cooshadu ah ku dayacan.