U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Dugsiga Lagu Tababarayo Ciidamo Cirka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeer ugu tagay dugsiga ay ku tababaranayaan cutubyo katirsan ciidanka Cirka Soomaaliya.

Ciidankaan ayaa ku sugan dugsiga ciidanka Cirka dowladda Ereteriya, halkaas oo ay muddo ku qaadanayeen tabarro la xiriira ciidanka cirka, madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay ku jiraan ciidankaan oo qeyb ka ah kuwa dhowaan dalkaas tababar loogu qaaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, waxaana inta u uku sugnaa uu kulan kooban uu la qaatay madaxweynaha Ereteriya.

Dowladda Ereteriya ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday tababarista ciidamo kale duwan oo ka tirsan xoogga dalka kuwaas oo qaar kamid ah ay dalka dib ugu soo laabteen, waxaana wali halkaas ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa badda iyo cirka ciidanka xoogga.