U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo Kuwa Jubbaland oo Si Rasmi ah Isugu Furay Waddada u Dhaxeysa Kismaayo iyo Afmadoow

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah u furay wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, ayagoo burburiyay fariisihii ay kooxda Alshabaab ku lahaayeen aaggaas, sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.

Deeganadan ay howgallada qorshaysan ka fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan qeybta 43-aad iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa kala ahaa Lagta Qubbi, Golhadamo, Biibi, Harboole iyo Miido, ayadoona Ciidamada Hawl-galka Fuliyey ay Ka Soo kala bexeen Degmada Afmadow iyo deegaanka Jannaa Cabdalle.

Dhaqdhaqaaqyada militari ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda deegaanada Jubbaland ayaa kordhay todobaadyadii la soo dhaafay, ayadoo ay Ciidamada la wareegeen deegaanno ay horay ugu sugnaayeen kooxdu.