Muqdisho, 19 Nofeembar 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeymo cirka ah ku qaaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanno ka tirsan gobollada dalka, kuwaas oo dhacay intii u dhexeysay 13-kii ilaa 15-kii Nofeembar 2026.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda, duqeymaha ayaa laga fuliyay saddex goobood oo kala duwan, kuwaas oo kala ah deegaanka Leego oo qiyaastii 114 KM waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, Yora Lafagari oo 160 KM galbeed ka xigta magaalada Jilib iyo deegaanka Jamaame oo 47 KM waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgaladan ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ay sii xoojinayaan iskaashiga dhanka amniga iyo hawlgallada milatari ee ay la leeyihiin ciidamada Mareykanka.





From the comments