U bood dhigaalka

Dowladdda Soomaaliya oo Dhiggeeda Qatar Kala Hadashay Iskaashiga iyo Taageerada Amniga

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal iyo xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka Amniga oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageerada dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah, iyada oo ay muhiim tahay in Wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga Wasaaradda.

Dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladdaha taageerada dhanka horumarinta ah siiya Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa maalgalisay Wadooyinka Muqdisho iyo Balcad, Muqdisho iyo Afgooye taasoo sare u qaaday isku socodka Wadooyinka caasimadda