Warbaahinta dunida ayaa si wayn u hadal haysa khalad uu galay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden xilli uu masuul kale ku soo dhoweynayay madasha hadalka ee shir saxaafadeed lagu soo gunaanadayay xuska sanad guurada 75-aad ee Ururka gaashaan buurta NATO, kaas oo lagu qabtay magaalada Washington.
Madaxweynaha oo doonayay inuu cod baahiyaha ku wareejiyo dhiggiisa dalka Ukraine Vladimir Zelensky, wuxuu yiri “haddana waxaan ku soo dhoweynayaa madaxweyne Putin”, oo ah magaca hoggaamiyaha Ruushka ee ay Ukraine colaadda ba’ane kala dhexayso, balse wax yar ka dib hadalkiisa saxay oo yiri” ooh putin waa midka weyn, ee waxaan soo dhoweynayay Zelensky”.
Arrintan oo fadeexad lagu tilmaamay ayay si weyn u falanqeynaysaa warbaahinta caalamku, waxayna dhacdadani ku soo beegantay ayadoo uu jiro olole ka dhan ah dib u doorashadiisa, asagoo weynaan iyo gabow lagu durayo.




From the comments