U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Deegaan Hoostaga Buulo Burde

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku sugnaa deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay warbaahinta afka ciidanka ku hadashaahi.

Ugu yaraan 10 dagaalame oo Alshabaab ah ayaa lagu diley dagaalkii ka dhacay Beerayabaal, waxaana lasoo werinayaa in khasaaraha gaaray xubnaha Alshabaab gaaray uu intaas ka sii badan karo.

Taliyaha Qaybta 27aad CXDS ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyey in deegaankaas ay kala wareegeen kooxda Alshabaab oo ka soo gudubay Wabiga, kadib markii ay xogtooda heleen.