U bood dhigaalka

Muxuu Ku Saabsan Yahay Shirka Kismaayo Uga Furmay Laamaha Cadaaladda Dalka?

Waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, ahna magaala madaxda ku meel gaarka ah ee dowladda Jubbaland ka socda shirweyne kulmiyay wasiirrada caddaaladda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo ay Khaatumo ku jirto, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyo guddoonka maxkamadda sare ee dalka.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta laba heer ee hay’adaha garsoorka dalka, sidoo kale waxaa la filayaa in qodobo kale oo wax ku ool ihi ay ka soo bixi doonaan markii uu soo gabangaboobo.

Wasiirka caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin ayaa sheegay in loo baahanyahay in kulanka ay natiijo wax ku ool ah oo wada shaqeynta laamaha garsoorka lagu xoojinayaahi ay ka soo baxdo, islamarkaana masuuliyiin ay maalmaha soo socda waxyaabo badan ka wada hadli doonaan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa asna sheegay in aan hannaanka caddaaladda dalka la siyaasadayn karin, islamarkaana dowladda Soomaaliya iyo dhammaan dowlad goboleedyadu ay wada shaqayn doonaan.

Garsoorka Soomaaliya ayaa ku jira hannaan dib u kabasho ah, ayadoo kalsoonida dadweynaha ee misaska caddaaladda dowliga ihi ay sii xoogaysanayso, balse waxaa lagama maarmaan ah in la mideeyo adeegga garsoorka dalka.