U bood dhigaalka

Ganacsato Soomaali ah oo Itoobiya lagu dilay iyo Faahfaahinno Dheeraad ah oo Kasoo Baxay

Sida ay sheegeen Saraakiisha dowlad deegaanka Soomaalida, Labo nin oo ganacsato Soomaali ah ayaa lagu dilay deegaanka ee dalka Itoobiya, Ganacsatadaan ayaa ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Waxaa la beegsaday xilli ay ku safrayeen waddada isku xirta Jigjiga iyo Addis Ababa oo muhiim u ah isku socodka deegaanka Soomaalida iyo magaalada Addis Ababa.

Labada Ganacsade oo deegaanka si weyn looga yaqaanay ayaa lagu kala magacaabi jiray Khadar Cilmi Cige iyo Mawliid Maxamed Cabdi ( Mawliid Basra) .

Falkaan waxaa geystay kooxo hubaysan oo ka tirsan jabhadda Canfarta oo waddada u galay gaarigii ay wateen, Xilli billihii lasoo dhaafay uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya labada maamul ee Canfarta iyo Soomaalida.

Wadadaan ayaa noqotay meel halis ah, Saraakiisha maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa walaac ka muujiyay amni xumada wadada kasoo korortay.