U bood dhigaalka

Ninkii Rasaasta Ku Furay Donald Trump oo Laamaha Amnigu Aqoonsaday

Sida ay ku sheegtay shakabadda Washington post, nin 20 jir oo lagu magcaabo Thomas Matthew ayaa ahaa shakhsigii rasaasta la eegtay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump oo saacado ka hor lagu dhawaacay fagaare uu kula hadlayay taageereyaashiisa gobolka Pennsylvania.

Ciidanka Nabad-gelyada ayaa isla goobtii uu weerarka ka geystay ku toogtay ninka hubaysan, balse xogtiisa oo dhammaystiran ayaa hadda shaaca laga qaaday, ayadoo ay weli socdaan baaritaanno ku aadan ujeedada weerarka uu fuliyay.

Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriyiga ayaa muujinaya shaki ah in arrintan uu ku lugleeyahay maamulka madaxweyne Biden, balse taas caddaynteeda illaa hadda lama hayo, arrintaan ayaa hadalheyn badan ka dhalisay gudaha dalka.