U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in Lagu Dadaalayo Dardargelinta iyo Hormarinta Garsoorka Dalka

wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin oo ka hadlayay shirka laamaha Caddaaladda dalka uga socda magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in hormarinta hannaanka garsoorka ay ka go’antahay xukuumadda hadda jirta.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowlad dhiska Soomaaliya waxyaabaha ugu muhiimsan uu garsoorku kamid yahay, islamarkaana ay ku howlanyihiin in hannaankan caddaaladda dalku uu sida dastuurka ku qoran oo ay bulshadu doonayso u hirgelo, una shaqeeyo.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli Kismaayo uu ka socdo shir u dhaxeeya laamaha garsoodka dalka labadiisa heer, waaxaana looga hadlayaa sidii loo heli lahaa cadaalad bulshadu ay dowladdooda ku aaminaan in la helo.


Garsoorka dalka ayaa ku jira hannaan dib u kabasho ah, waxaana sii xoogaysanaysa kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan adeegga ay maxkamadaha iyo laamaha kale ee Caddaaladda dalku buxiyaan.