U bood dhigaalka

Sidee Ayuu u Dhacay Qaraxii Lala Beegsaday Maqaayadda Top Coffee?

Ugu yaraan Shan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii maqaayada Top Coffee oo ku taalla Meel u dhow Taalada daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaasoo lagu baakimay irida Maqaayadda.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray dad ku jiray gudaha Maqaayadda, Kuwa fadhiyay Albaabka hore iyo dad saarna Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta oo wadada Maraayay.

Goobta Waxaa sidoo kale ku sugnaa dhalinyaro kala yimid degmooyinka Muqdisho oo meel hool ah oo ku taalla Gudaha maqaayadda ku daawanayay Ciyaartii xalay.

Taliska Ciidanka Booliiska ayaa ku eedeyay mas’uuliyadda qaraxan Kooxda Shabaab oo inta badan fulisa weerarada noocaan oo Kale ah .

War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in khasaaraha uu sii kordhi karo marwaliba, Maadaama Qaraxa uu dhacay xilli habeen ah.

Top Coffee waa Maqaayad furan bilo yar balse heshay dad badan oo habeenkii ku nasta sababo la xariira goobta ay ku taallo oo ah meel amni ah oo ku yaallaan Wasaarado sidoo kalena wadooyinka soo gala ay jooggaan Ciidamo kala duwan.

Muqdisho ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ka nasatay weerarada Kooxda Al Shabaab, waxaana ka jiray isbedello waa weyn oo dhanka Amniga ah.