U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen Mahad Cabdiraxman Aadan ayaa xilka si kumeel gaar ah uga qaaday taliyihii Xabsiga Dhaxe ee xamar, una magacabay taliye cusub, iyadoo sidoo kale uu magacabay gudDi baaris ku sameeya shaqaaqadii dhawaan ka dhacaday Xabsiga Dhexe.

Arrintan ayaa jawaab u ah iska hor imaadkii dhowaan ka dhacay xansiga dhexe ee Xamar, kawaas oo ay ku dhinteen 8 ruux oo isugu jiray xamaabiis iyo askar, ayna ku dhaawacmeen 21 qof oo labada dhinac ka kala tirsan.

Dhacdadaas oo dad badan lama filaan ku noqatay, islamarkaana ay weydiimo badani ka dhasheen sida ay maxaabiistu qoryo iyo bombooyin ay ku dadaalamaan ku heleen ayuu Taliyaha ciidanka Asluubtu ballanqaaday in baaritaan qoto dheer lagu samaynayo, ciddii ku lugyeelatana tillaabo adag laga qaadi doono.