U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland oo Toogasho Ku Fuliyay 5 Xubnood oo Al-Shabaab ah

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan xilli ay qeyb ka ahaayeen xubnaha dilalka qorshaysan u qaabilsan kooxda Alshabaab.

Xubnaha dilka lagu fuliyay ayaa kamida tiro maxaabiis ah oo ku xiran xabsiyada dalka, kuwaas oo loo haysta Alshabaabnimo, ayagoo falal amniga lid ku ah ka geystay gobollada iyo magaalooyinka dalka.

Dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ayaa isugu jira mid hibaysan oo ka socda furimaha hore, mid dhinaca caddaaladda ah oo lagu fuliyo xubnaha gacanta lagu soo dhigo, iyo olole dhanka hab fakarka ah.