U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu dhageystay warbixinno kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Shabaab ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyoodka, Gawracatada iyo Jadeecada.