U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Oromo ah oo u Dagaalamayay Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta nolosha ku qabtay nin ajanabi ah oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab,kaasoo u dhashay qowmiyadda Oromada ee Itoobiya, jirkiisana ay ku qoran tahay caalamadda Tattoo.

Howlgalka lagu qabtay ninkan ayaa ka dhacay deegaanka Beerayabaal oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Dagaalayaal badan oo shisheeye ayaa la rumaysanyahay inay weli ka garab dagaalayaan kooxda Alshabaab, todobaadyo ka hor ayayna ahayd markii ciidamada xoogga dalku ay xeebta magaalada Ceeldheer u dhow ku soo qabteen ajaanib baxsad ahaa oo kooxda horay u uga tirsanaa.