U bood dhigaalka

Gaari ay Saarnaayeen Xubno Ka Tirsan Shabaab oo Qarax La Kacay

Xubno ka tirsan ururka Shabaab oo sitay gaari nooca lagu magacaabo Succeed ayuu goor dhow qarax kula kacay deegaan lagu magacaabo Laaggan oo u dhexeeya deegaanada kala ah Guduudey iyo Buulo-bacaad oo ka tirsan gobolka Jubada hoose sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.

Gaariga waxaa saarnaa shan xubnood oo ka tirsan Ururka Shabaab, kuwaasoo la sheegay in ay sideen waxyaabaha qarxa.

Qaraxa waxaa ku dhintay dhammaan xubnihii saarnaa Gaariga. waxaa sidoo kale ku gubtay gaarigii.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in ay maqleen dhawaqa Qaraxa ka dhacay deegaanka.

Xubno ka tirsan Shabaab ayaa yimid deegaanka kuwaasoo meesha ka qaaday Meydadka Shanta xubnood, Sidoo kale waxa ay jiiteen haraagii ka haray gaariga.

Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala damacsanaa ciidanka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay guulo kasoo hooyay dagaallo ka dhacay gobolka Jubbada hoose lana wareegay deegaano cusub.