U bood dhigaalka

Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidan oo Ku Yaalla gobolka Jubbada Hoose

Ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Harboole, waxaana halkaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Deegaankaan ayaa hoos tagga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa halkaasi ka howlgalla Ciidanka Jubbaland iyo xoogga dalka.

Weerarkaan waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka sugan Saldhiga la weeraray ayaa warbaahinta u sheegay in ay fashiliyeen weerarka, islamarkaana Shabaabkii soo weeraro loo geystay khasaare Lixaad leh.

Waxaa kaloo ay sheegeen in dib loo riixay Shabaabkii soo weeraray deegaanka.

Wali xog Sax ah lagama heli karo iyo sida uu dhacay weerarka iyo heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha maadaama weerarka uu dhacay xilli aroor ah.

Shabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada Saldhigyada ay leeyihiin Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ee ku yaalla goobaha difaacyada ah xilliyada hore ee subaxdii.