U bood dhigaalka

Heshiis Hordhac ah oo Laga Gaaray Dagaal Dhowaan Ka Dhacay Degmada Luuq

Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Uurdoox oo ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in heshiis hor dhac ah ay dhex dhigeen laba beelo walaalo ah oo dhowaan dagaal ba’ani ku dhex maray magaaladaas.

Xildhibaanka iyo Saraakiil Ciidamada ka tirsan oo tagay goobihii dagaaladu ka dhaceen, ayaa ku guulaystay inay nabad dhex dhigaan labadii dhinac ee colaadda lagu hoobtay todobaadyo ka dhex qaraxday.

Shirweyne xal looga gaarayo dagaal beeleedkaas ayuu Xildhibaan Uurdoox sheegay in si-deg deg ah loo qaban doono, kaas oo ay ka qeyb-geli doonaan dhamaan Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaankaasi.

Degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa tdobaadyo ka hor waxaa ka dhacay dagaal ba’an oo dad badani ku dhinteen, guryona lagu gubay oo dhex maray laba beelood oo walaalo ah.