U bood dhigaalka

Hoggaamiye Sare oo Ka Tirsan Al-shabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Dowladda Qeybta 60-aad

Cabdi Maxamed Caraaye magaciisa Afgarashada ee kooxda Alshabaab uu yahay (C/rashiid) ayaa isku soo dhiibay Ururka 26-aad Guutada 6-aad ee Qaybta 60 aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Ee ku sugan degaanka Buula -Mareer ee gobolka Shabeeladda hoose.

Hoggaamiyahan ayaa kooxda Alshabaab u qaabilsanaa dhanka maaliyadda iyo lacagaha ay dadweynaha ka qaadaan, isagoona muddo 14 sano ah kooxda la shaqeeynayay.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda gobollada dalka ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo xubno badan oo Alshabaab ah qaarna ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanku soo qabteen, qaar kalena ay iskood isku soo dhiibeen.