U bood dhigaalka

Maxaa Ka Jira in Ciidamo Cusub oo Itoobiyaan ah ay Soo Galeen Soomaaliya?

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegay in kollanyo gaadiid militari ah oo ciidamo Itoobiyaan ahi ay wataani ay xadka dhinaca feerfeer ka soo gudbeen, islamarkaana ay gudaha Soomaaliya soo galeen.

Ciidamadan oo aad u tiro badan, laguna qayaasay dhawr kun oo wata baabuur gadaal oo culus ayaan la ogeyn ujeedada ay soohdinta uga soo tallaabeen iyo halka ay ku socdaan ama uu socdaalkoodu ku wajahanyahay, dowladda Soomaaliyana ma arrintan kama hadlin.

In ciidamada Itoobiya ay xadka ka soo gudbaani ma ahan wax cusub, balse xilligan oo ay labada dal ka dhex aloosantahay xiisad culus oo ka dhalatay is afgaradkii Abii Axmed iyo Muuse Biixi, islamarkaana Wasaaradda arrimaha gudaha XFS ay dhowaan taliska Adidas ku eedeysay hubkii Caabudwaaq lagu qabtay yaa shaki laga muujinayaa qulqulka ciidamadaas.