U bood dhigaalka

Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Xabsiga Dhigay Nin Lagu Eedeeyay Fal Ka Baxsan Dhaqanka

Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan gaar ahaan Saldhigga Booliska Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa soo xiray eedeysane Axmed Suudi Macoow Deeyow 30 jir ah, kaas oo ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax xumo ah, islamarkaana dooriyay jirkiisa.

Ninkan oo muuqaalkiisa qaab dumar u ekwysiiyay ayay boolisku sheegeen inay baaritaan ku wadaan, islamarkaana ay sida ugu dhaqsaha badan u horgeyn doonaan maxkamad awood u leh qaadidda gal dacwadeedkiisa.

Booliiska Soomaaliya ayaa muddooyinkaan dambe waday howlgal ballaaran oo ay kula dagaalayaan dadka ku kaca falal anshaxa wanaagsan iyo diinta ka soo horjeeda ama baraha bulshada ku faafiya waxyaabaha aan feecnayn.