U bood dhigaalka

Dowladda Eritrea oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Diyaaradda Ethopian Airline

Dowladda Eritrea ayaa dalkeeda ka mamnuucday duulimaadyada diyaaradda Ethiopian Airlines, wuxuuna go’aankaasi dhaqan-galaya laba bilood ka dib oo ku beegan dhammaadka bisha September.

Eritrea ayaa diyaaraddan ku eedeysay xadgudubyo iyo falal xadtooyo ah oo lagula kaco rakaabka, ayadoo sheegtay in boorsooyinkoodii laga xaday dad la socday duulimaadkeeda.

Dhacdadan ayaa ah fadeexaddii labaad oo ay Ethiopian Airlines la kulanto tdobaad gudihiis, ayadoo maalmo ka hor ay falcelin xoogani ka dhalatay gabar Soomaaliyeed oo ay kursigeedii qasab uga dejiyeen si loo saaro wasiir ka tirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abii Axmed.

Diyaaradda ayaa wajahaysa hoos u dhac dhaqaale oo baaxad leh, waxaana sii lumaysa sumcaddeedii iyo kalsoonidii ay dadka rakaabka ahi ku qabeen, taas oo ka dhalatay falal xadgudubyo ah oo ay howl-wadeenadeedu ku kaceen.