U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland oo Booqasho Ugu Tagay Ciidanka Kumaandooska iyo Daraawiishta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho dhiirigelin iyo kormeer ah ugu tagey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo dhowaan guulo ka soo hooyay dagaal ay la galeen kooxda Alshabaab.

Ciidamadan oo fadhigoodu yahay deegaanka buulo xaaji ayuu madaxweynuhu uga mahadceliyey guushii ay ka soo hooyeen dagaalkii ay deegaanka harboole kula galeen kooxda Alshabaab, kaas oo lagu diley in ka badan 100 dagaalyahan oo kooxda ka tirsan, halka qaar kale iyo hubna ay ciidamadu gacanta ku dhigeen.

Sidoo wuxuu dalacsiin u sameeyay askarta iyo Saraakiisha ciidanka, asagoo ku dhiirigeliyay inay difaaca dalkooda iyo dadkooda u dhabar adaygaan, sidoo kale wuxuu Alle naxariistii janno uga baryay askartii ku dhimatay dagaalka, kuwii ku dhaawacmayna bogsasho degdeg ah ayuu Eebbe uga durraantay.