U bood dhigaalka

Maxkamadda Darajada Koowaadee Ciidanka oo Maanta Dhageystay Kiiskii Ugu Yaabka Badnaa

Maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa u fariisatay dhageysiga mid kamida gal dacwadeedyadii ugu yaabka badnaa ee ku saabsan xubnaha ka tirsan kooxda Alshabaab ee ku jira xabsiyada dalka.

Gar-maqalka dacwadaha maxkamadda ayaa waxaa ka soo muuqday wiil dhallinyaro ah oo muddo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kaas oo ka sheekaynaya hagardaamo oo halis badan oo ay kooxdu u igmatay inuu ku fuliyo hooyadiis.

Dhagari kala xanuun badane wuxuu caddeeyay in lagu amray inuu hooyadiis madaxa ka jaro oo nafta dhaafiyo haddii uu doonayo in xil iyo abaal-marin lagu maamuuso, ayadoo tilmaamay inuu arrintaas aqalka ku duugay.

Bastooladdii uu ku dili lahaa ayaa gacanta laga saaray, ka dibna wuxuu u ambabaxay sidii uu hooyadiis oo 9 bilood caloosha ku siday madaxa uga toogan lahaa, balse intuu dhex ku sii jirey ayuu fakaray oo go’aankii ka laabtay sida uu sheegay.

Arrinta uu wiilkani ka waramay ayaa baraha bulshada hadal-hayn xooggan ka abuurtay, waxayna dad badani walaac ka muujiyeen halista ka imaan karta carruurta maskaxdooda falalka xagjirnimada ah lagu tallaalay oo xittaa waalidkii dhalay aan u jixin-jixayn.
Goobjoog.com