U bood dhigaalka

Booliska Puntland oo Gaalkaco Ku Xiray Wiil Dhalinyaro ah oo Isku Egeysiiyay Dumar

Ciidanka Booliiska gobolka Mudug ayaa ku guulaystey soo qabashada Nin isku ekaysiiyay dumar, isagoo ninkaan uu kaga shaqeysan jirey muddo magaalooyinka Boosaso, Garowe ilaa Gaalkacyo inuu gabar yahay.

Ninkaan ayaa lagu Magacaabaa Axmed Cali Shire 20 jir ah balse waxaa uu ku shaqeyn jiray magaca Aniso cali shire.

Howlgalka qabashada Axmed Cali Shire oo qaatay waqti kooban ayaa waxaa ku guulaystay taliyaha Saldhiga Kabida ee Magaalada Gaalkacyo L/Xidigle Axmed Jamac Xayir(Raad goob).

Eedaysanaha ayaana lahor-gayndoonaa Hay’adaha cadaaladda ee kiiskan shaqadda kuleh.

Shalay ayay aheyd markii Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ay soo qabteen eedeysane loo heysto in uu isku egeysiiyay qof dumar.

Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay soo xiritaanka dadka lagu eedeeyay in ay sameeyaan falal ka baxsan Anshaha.