U bood dhigaalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta Saxiixay Buugga Tacsida Caalimkii Weynaa Sheekh Cismaan Xidig

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan habdhowraha golaha shacabka iyo xildhibaano ayaa tacsi ugu tagay ehelada iyo xerta Allaha ha u naxriistee marxuum Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xidig) oo dhowaan ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ehelada,qoyska ,xerta Sheekha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka ayaa saxiixay buuga tacsida ee Allaha ha u naxriistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xidig.

Allah unaxariistee Sheekha ayaa dhowaan ku geeriyooday Muqdisho waxaana socda Buugga Tacsida oo todobaadkaan uu furay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka, waxaana ka qeybgalaya mas’uuliyiin kale, waxaana soo xiri doona madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka.