U bood dhigaalka

Kusimaha Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Maanta Saxiixay Buugga Tacsida Sheekh Cismaan Xidig

Ku simaha Guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare BJFS mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa tacsi ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig.}

Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa saxiixay buuga tacsida, wuxuuna marxuumka alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Sheekh Cusmaan Xiddig.

Sidoo kale guddoomiye Cali Shacbaan waxaa weheliyay , Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS ,xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xoghayaha guud.