U bood dhigaalka

Safaaradda Shiinaha oo Agab Loogu Talogalay Baarista Ku Wareejisay Booliiska Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin oo uu wehliyo taliyaha hoggaanka baarista dembiyada gaashaanle dhexe Muxudiin Axmed Cusmaan ayaa maanta Safaarada Shiinaha kala wareegey agab loogu tala galay baarista cilmiyeysan, ayagoo isla goobtaas tababar ugu soo xirey sarakiishii isticmaali laheyd agabkaas, kuwaas oo muddo Tababar ugu jirey sidii ay u isticmaalilahaayeen agabkaas qiimaha badan u leh baarista dambiyada.

Tababarka waxaa gacan ka geystay macalimiin ka socdey dalka Shiinaha, kuwaas oo waaya-aragnimo dheer u leh baarista cilmiyeysan .

Safaarada ayaa ku wareejisey aqabka baarista cilmiyeysan ee Forensic Digital ka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayagoo Isticmaalka qalabkaasna u tababarey qaar ka mid ah Saraakiisha Boliiska .

Hoggaanka baarista dembiyada ayaa dhawaanahaanba waday qorshe lagu hormarinayo baarayaasha xirfadlayaasha ah ee ka howlgala waaxda baarista dembiyada waaweyn ee Dalka dhaca.